Haweeney lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho

0
103

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogeen qof dumar ah oo ka mid aheyd haweenka ku ganacsada Suuqa.Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydan la dilay oo lagu magacaabi jiray  Xadiyo waxa ay Shaah ku iibineysay laamiga labaad ee Suuqa Bakaaraha,  iyadoo xilli ay iska shaqeysaneysay saaka ay goobteeda ugu tageen Saddex  dhalinyaro ah, kuwaasoo rasaas ku bilaabay.

Dad ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in rag dhalinyaro ah oo bastoolado watay soo weerarreen marxuumada, iyaga oo toogashada kaddibna goobta ka baxsaday.

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa durba gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo aanan suura gelin in la soo qabto kooxihii dilka ka dmabeeyay, kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashada Haweeneydan, waxaana meydkeeda la geeyay xarunta baarista danbiyada ee CID. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here