Hay’adda WHO oo ka digtay in cudurka Corona uu Afrika ku dili karo 190,000-ruux

0
24

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO loosoo gaabiyo ayaa sheegtay in xaaladaha sii kordhaya cudurka Coronavirus ee Qaaradda Afrika ay halisteeda leedahay.

Haweeneyda WHO Agaasimaha uga ah Afrika Matshidiso Moeti ayaa sheegay in suuragal tahay in kiisaska dhimashada Qaaradda ee Covid-19 oo haatan mareysa 2,083 guud ahaan Afrika in geeridu intaa ka badan karto isla markaana dadka sababsada kor u dhaafi karaan 190,000-ruux.

Meelaha Hay’adda ka eegtay waxyaabaha dhimashada intaas gaarsiin karto waxa ay ku sheegtay faafidda cudurka, dadka oo aan sidaas ugu baraarugsaneen iyo tayada caafimaadka marka la eego heerka Dowladuhu gaarsiisan yihiin.

Matshidiso Moeti Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee hoostagta Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaaradda Afrika waxa ay shaaciyay in kaliya looga hortagi karo khatarta muuqata in baraarug iyo kahor hortag deg deg ah ay sameeyaan Dowladaha iyo shacabka.

“Waa dilaa muuqda oo aan cidi daah ka saarneen, waa cudur u baahan in laga hortago, waana xalka ugu fudud oo looga adkaan karo, dunida waxa ay ku baraarugtay kolkii uu fayrusku ay isku gudbiyeen dalalka, looma diyaarsaneen kahor taggiisa oo xitaa laguma fakireen in uu soo ifbaxayo xannuun sidaan saameyn u leh” ayay tiri Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka WHO ee Afrika.

Guud ahaan Afrika waxaa laga diiwaangeliyay kiisas gaaraya 55,364, waxaana bogsatay 19,118-ruux oo uu haleelay cudurka Corona, halka ay u dhinteen 2,083-qof sida ay diiwaangelisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

“Kaliya Waxaa loo baahan yahay in baaritaanno dhab ah la sameeyo, waana in la dabagalaa kiisaska Bukaanada naga helo Fayruska iyada oo la karaantiilayo isla markaana la daweynayo, waana tallaabada ugu fiican kahor tagga xannuunka Covid-19” ayay tiri Matshidiso Moeti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here