Hoobiyeyaal kusoo dhacay Xaafado ka tirsan Muqdisho

0
53

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in hoobiyayaal lala beegsaday degmooyin ka mid ah Muqdisho.

Jugta hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir Caawa iyaga oo ku dhacay sida la sheegay qeybo ka mid ah degmooyinka Xamar Jajab, Shibis iyo Wartanabada.

Ilaa hadda ma cadda inuu wax khasaare ah ka dhashay weerarradan oo goor dhowayd ka dhacay Muqdisho,waxana sidoo kale weli ka hadlin hoobiyeyaashaan mas’uuliyiinta Hay’daha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here