Hub culus Oo Al Shabaabka Soomaaliya ka heleen wuqooyiga Kuuriya

0
63

Wasiirada Gaashaandhigga Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya & Kenya ayaa walwal ka muujiyay hub la sheegay in ay heshay Al-Shabaab.

Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka cunaqabatayta saaran Soomaaliya ayaa 31-kii Oktoobar 2020 sheegay in Madaafiic ay soosaartay Kuuriyada Waqooyi Al-Shbaab ku weerartay Xafiiska UN-ka ee Xerada Xalane.

Walaacaan ayaa yimid kadib markii xogta la helay bilowgii isbuucaan islamarkaana Alshabaab aysan weli arintaan ka hadlin.

Tani waxay kusoo beegmeysaa iyadoo ay soo dhawdahay xilliga Doorashada Soomaaliya oo amnigana aad loo adkeynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here