ISBAAROOYINKA BILQAN GOBOLKA SHABEELLAHA-HOOSE JBM

0
444

Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida dowlladda federaalka Soomaaliya darajada 1-aad Korneel shuute wuxuu media u sheegey in uu ka qaaday Isnaarooyinkii bilqanaa degmada Wanlawayn gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) balse hadda isbaarooyinkii waa la sii laba jibaaray, waxaana Salballaar Two-du soo duushay ay 3 isbaaro dhigteen waddada isku xidha Yaaq-Bariwayne iyo Leego degmada Wanlawayn JBM.

Sido kale Xerashiino iyo Wanlawayn JBM waxaa ay isbaaro sharciyaysan u taalaa taliye guutada 7-aad gaashaanle dhexe Cumar C/Raxmaan ka soo jeeda Hirshabelle ku beel ah wasiir Isloow Salballaar Two iyo taliyaha ururka 54-aad guutada 7-aad gaashaanle dhexe Cabdulle Cali Mire ka soo jeeda Galmudug State ilmadeer la ah Yuusuf Indhacadde Salballaar Two.

Inta badan taliyaha guutada ma joogo meeshan, waxaa uga wakiil ah Mr Cabdulle Cali mire oo lacagaha u aruuriya

Sido kale, Mudane Cabdulle Cali Mire saddexda isbaaro kale Salballaar Two-da Hirshabelle ka soo duushay ay dhigteen isaga ayaa la qaybsada lacagta baadda ah, waayo dowlladda asaga ayay u wakiilatay jidkaasi, sidaas darteed Mr Cabdule jaanis ayuu u arkay labada dhinac inuu lacag ka qaato.

Yaaq-Bariwayne iyo Leego JBM kuwa yaal gaariga nuuca Noohada ah oo Baydhabo JBM dadka ka soo qaada, waxaa laga qaadaa halkii mar $250.

Mida kale, dowlladu waxay isbaaro qaad u xilsaaratay gaashaanle dhexe Mudane Cabdulle Cali Mire wiilka reer Galmudugi, balse dowlladdii oon wada ogayn ayuu wuxuu sameyaynayaa qaadducudariiqnimo, maxaa yeelay isaga iyo taliyaha guutada 7-aad waxay dhigdhigteen jidgooyooyin leejo ay ku qaadanayaan, iyadoona 3 isbaaro kalana ay (share) qaybtan shuraako kula jiraan Salballaar Two-da ka soo col gashay Hirshabelle, waxaana dowladdii federaalka Soomaaliya loo sheegayaa been ah, in isbaarooyinka lala dagaallamayo oo la leeyahay “waan qaadnay Isbaarooyinkii.”

Kuwa Hirshabelle ka soo duulay reer Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow iyo Xildhibaan Aadan Kaladire, waa rag u shaqeeya Mudane Cabdulle Cali Mire, meesha ayuuna ku ilaashadaa.

Inkastooy isbaarooyin badan ay iska bilqan yihiin degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) waxaa 3 ka mid ah isbaarooyinka yaal gudaha degmadaasi iska leh Mr Nuur xayir oo reer Galmudug ah jufada Janaraal Caydiid Salballaar Two,
Midda 2-aad waxay utaallaa Mr Xasan Dhicisow Reer Hirshabelle ku beel ah wasiir Isloow Salballaar Two halka ta 3-aadna ay u taal 2- Xidigle Halac oo ah taliya ururka 64-aad ee guutada 7-aad Qaybta 60-aad u dhashay Galmudug la ilmadeera Iimaan Elman, ama reer Albarakaat dheh.

Sidaa iyo si la mid ah, waxaa jidha baabuur waawayn oo booyado shidaal ah shidaal u keena kambaniyada daggan garoonka wayn (Ay-Furugoow, Ballidoogle degmada Wanlawayn gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) bishiiba mar, booyadahaaso taliyaha guutada 7-aad iyo taliye-ururadiisu dhammaantood deegaanka Maayland aanay u dhalan wada Salballaar Two ah bil waliba ay ka qaataan booyidahaas $70.000 toddobaatan kun Doollarka Mareykanka oo ay ugu magac-dareen “Wada-Maris” oo ah isbaaro dadban.

Boyidahaas hadii ay kaligood wadada soomaraan way gubaan, kadibna waxay dhahaan “Al-Shabab ayaa gubtay”.

Balse Al-shabab ma gubin ee iyakaa guba, waayo waxay doonayaan si ay booyadahaasi u baqaan oo ay ula heshiyaan deetaba uga qaataan lacagtii $70.000 baadda ahayd.

Haddaba Maayland-noow waxba adigoon igu mishuulin qudhaydani wadadaan waa wada isbaaro, mid lasharciyaysan iyo mid bareer ah oo cad.

Guutada 7-aad waxay ka mid tahay qaybta 60-Maad fadhida guud ahaan JBM, sida sharciga ah waxay ahayd in taliyaheeda uu ka amar qaato taliyaha Qaybta 60-Maad fadhigiisu yahay Baydhabo JBM, balse Mr Cumar Cabdiraxmaan wuxuu si sharcidara uga amarqaataa taliyaha ciidanka xoogga Mudane Odawaa Yusuf Raage oo ah ina adeerkiisa kana soo wada jeedaan Hirshabelle Salballaar Two.

Taliyaha qaybtu, xitaa waa la wacay oo waa loo sheegay waxa meesha ka socda, hayeeshee awooddiisa ayaa Illaah ka qariyay afkuu quful seero-seera uu ka saadhay arrinkan ceebta taagan, iyado sida sharciga ah ay tahay, in taliyaha guutada guutada 7-aad si toosa uga amarqaato Qaybta 60-Maad fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM).

Hadduu dhurwaa xaakim noqdo arigu xaqu uu leeyahay waa in isagii uun la cunaa amar Alle laakiin!!

By:Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here