Isbahaysi looga dhawaaqi doono Kismaanyo & Siyaasada dalka oo waji cusub galayso

0
113

Waxaa maanta la filayaa in ay gaaraan magalaada Kismaanyo madaxweynayaashii hore, Xildhibaano iyo  qaar ka mida madaxda dowlad goboleedyada dalka. Madaxda iyo wafuuda ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan caleemasaarka Madaxweyne Axmad Maxamed Islaam (Axmad Madoobe).

Caleemasaarka ka dib ayaa waxa ka dhacayo magalaada Kismaanyo shirar kala duwan oo dhexmaraya madaxda halkaas isugu tagtay, shirarkaas ayaa looga arinsanayaa mustaqbalka dalka iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa Farmaajo iyo kooxdiisa.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, waxaa la diyaariyay nuqulkii shirka wadaxaajoodka ee dhex maraya madaxda dowlad goboleedyada iyo mucaaradka ka soo horjeedo dowlada Fedaraalka kaas oo faahfaahinaya qaabka loo wajahayo dhibaatooyinka la soo darsay dalka Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijeen qaar ka mida mas’uuliyiin qaybta ka ah abaabulka sameynta isbahaysiga siyaasadeed, waxa aan wali go’aan rasmi ah laga gaarin in Isbahaysiga looga dhawaawo magalada Kismaanyo iyo in shirka wadatashi oo loo dhan yahay lagu qabto magalaada Garowe asbuucyada soo socda kaas kaas oo si buuxda looga soo saarayo baaq (Manifesto) , laguna aas aasayo  Isbahaysi siyaaseed oo ka dhan ah dowlada Fedaraalka.

Waxaa sidoo kale la magacaabi dooni xoghayn (Secretariat), kaas oo diyaarinayo qaabka loo abaabuli lahaa shacabka Soomaaliyeed isla markaana si joogta ah loogu wargalin lahaa beesha caalamka.

Si kastaa oo ay noqotaba, waxaan shaki ku jirin in Awoodii siyaasadeed ee Dowlada Farmaajo ayaa  la soo afjaray taas oo  keeni doonta in hogaanka masiirka dalka  uu noqon doono mid lawada leeyahay oo umada ka wada dhaxeeya.

Beesha Caalamka ayaa lala wadaagay qorshaha guud ee isbahaysiga iyo gaar ahaan kaalinta uu ka qaadanayo go’aan ka gaarista ayaaha dalka Soomaaliya. Beesha Caalamka ayaa soo dhawaysay kuna dhiirigalisay in mucaaradka dowlada uu si nabad ah ku sameeyo isbadal deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here