Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxayso Gobolka Gedo, iyo welwel soo food saaray Farmaajo

0
58

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya in dowladda Itoobiya ay ciidamado fara badan oo kumanaan ah kala baxday Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Gedo & Bay, kuwaasoo aan ka mid ahayn ciidamada ka tirsan AMISOM.

Wargeyska Bloomberg ayaa lagu qoray in 3000 askari ay ciidamada Itoobiya kala baxday Soomaaliya kuwaasoo ku sugnaa gobolka Gedo, si loogu taagereo dagaalka ka socda Gobolka Tigray, waxaana laga soo xigtay dad aan la magacaabin.

Warbaahin kale ayaa tirada ciiamada Itoobiya kala baxday Soomaaliya ku sheegtay 6000 askari, iyadoo mas’uliyiinta Itoobiya ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan, markii lala xiriiray.

Ciidamada Itoobiya ee aan ka mid ahayn AMISOM ayaa Soomaaliya ugu sugan heshiisyo ay la gashay dowladda Soomaaliya, lamana oga tiradooda, goorta ay yimaadaan iyo sida loo kala bedelo, waxayna intooda badan ka howlgalaan Gobollad Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud.

5000 askari oo Itoobyaan ah ayaa si rasmi ah uga mida ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala, iyadoo mararka qaar ciidamada Soomaaliya ku sugan ay gaareen 20.000 askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here