Jabuuti oo ka digtay qorshe Al-Shabaab ugu milmi karaan Baarlamaanka cusub

0
99

Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa uu ka walaacsan yahay in Alshabaab ay awood ku yeelato Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya.

“Doorashadii goleyaasha sharci dejinta ee Soomaaliya waxaa loo muddeeyey sannadka 2021 ka, Waxa aan ka cabsi qabaa in aynu ku dambayno baarlamaan ay Alshabaab si dadban u maamusho, waayo waxa ay iibsan doonaan taageerada xildhibaannada” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here