KAHSIFAAD: Caqabadaha aan lagu baraarug-saneyn ee garbaduubi kara Rooble

0
52

Soomaaliya ayaa ra’iisul wasaare cusub yeelatay 60 maalmood kadib markii coddeyn kalsooni laabasho muran dhalisay oo meesha looga saarey xukuumaddii dhacdey ee murashax Xasan Cali Khayre.

Todobaadkii hore, baarlamaanka wuxuu ansixiyey magacaabida Maxamed Xuseen Rooble si uu ula wareegay kursiga isha lagu hayo.

Shaqada way socotay tan iyo inta Rooble laga soo dhex-xulanayey siyaasiyiinta.

57-jirkan magaciisa aan aad looga garaneyn siyaasada wuxuu kasoo dalacay xafiiska Hay’adda Shaqaalaha Aduunka ee caasimada Kenya ee Nairobi. Wuxuu wajahayaa siyaasad kulul iyo mustaqbal.

Hambalyo kadib, Rooble wuxuu xilkan cusub ku wanaajin karaa sumcadiisa iyo masiirka dalka. Hase ahaatee, durba waxaa xafiiskiisa hareeyay siyaasiyiin xildoon ah kuwaasoo raba in xukuumada lagu daro.

Ma jiro sharci mucaaradka u diidaya in xukuumada kasoo muuqdaan, waana talaabo horey loo qaadey, balse xaqiiqadu waxay tahay in siyaasiyiinta qaarkood ay todobaadyo kahor dhaliilayeen dowladda Farmaajo.

Su’aalaha durba soo if-baxay waxaa kamid ah; maxaa isbedelka ku keenay? Ma magacaabida ra’iisul asaaraha cusub, in ay qalad ahayd dhaleeceyntooda ama in ay u ololeynayaan in dowladda kamid noqdan?

Siyaasada, wax kasta waa suurtagal. Balse, ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu sameyn karaa qalad weyn hadii uu ogolaado in xafiiskiisa uu noqdo ubucda heshiis siyaasadeed oo ku dhisan dan aan tan dalka ahayn.

Ugu horeyn, Rooble wuxuu u baahan yahay in uu ku dul-shaqeeyo qorshaha rajada Soomaalida – doorasho qof iyo cod oo xor ah. Wax walba oo baalmarsan hadafkaas waxay noqoneysaa cadaalad darro.

Marka xigta, siyaasiyiinta Soomaalida waxay quudareeyaan in ay magacaabaa mas’uuliyiinta ayna isla ayaga adeegsadaan. Rooble wuxuu u baahan yahay in uu dib u eego sooyaalka madaxdii ka horeysay.

Mudada uu xafiiska joogo, uma noqon doonto bil malab. Cadaadiska wuu isa soo tari doonaa mar walboo doorashada soo dhowaato iyagoo maalgelinta loo baahan yahay in ay tahay mid aad u balaaran.

Laba arrimood waa xaqiiqo in Soomaaliya sanado kahor ka gaabisay qabashada qof iyo cod – taas waxaa eedeeda iska leh madaxdii joogtay – iyo in Rooble loosoo magacaabay in lagula gorgortamo siyaasiyiinta si loo yagleelo “dowlad wadaag ah”; nasiib daro, shacabka wuxuu ku jabayaa, ma noqon doonan kuwa ka faa’iideysanayo hab-dhaqankaas ama qorshahaas.

Xil-heynta ra’iisul wasaaraha maahan bil malab, mar walboo ay soo dhowaato doorashada waxaa ku kordhaya cadaadiska.

Rooble wuxuu u baahan yahay in uu ka hortago in loo adeegsado aalad xaqiijisa damaca siyaasiyiin. Waajibaadka si deg-deg ah looga baahan yahay in uu fuliyo waa laalida hubantii la’aantii jirtay bilooyinkii lasoo dhaafay.

Sikastaba ha ahaatee, iyadoo hogaamiyeyaasha dowlada federaalka iyo maamulada ku heshiiyeen jadwalka doorashada soo aadan, haddana Rooble waa midka kaliya ee dardargelinaya isla markaana dhaqan-gelinaya heshiiska siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here