KASHIFAAD: Cida hortaagan Wasiirada Cusub & Booska la isku heytso

0
32

Shabkada Wararka SMC ayaa ogaatay in ay khilaaf ka jiro boos muhiim ah oo Wasiirada la magacaabayo.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa dib udhigay Xukuumada cusub inuu ku dhawaaqo xilli bil ay dhamaatay xilligii laga sugayey inuu soo magacaabo Golaha Wasiiradiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa la sheegay in uu doonayo Wasiirka Maaliyadda loo magacaabo shakhsi isaga uu wato.

Warar ayaa sheegaya in Maxamed Aadan fargeeti uu la doonayo jagadaas,iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu rabo in Beyle loo dhaafo xilkiisa.

Waxaa lasoo jeediyey in Wasiir Beyle loo dhiibo xilka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Marwada Koobaad Ee Qaranka Seynab Macalin ayaa iyana dooneysa shakhsiyaad ay wadato in Boos fiican Xukuumada laga siiyo.

Xubnaha kasoo muuqan doono Golaha Wasiirada cusub waxaa ku jira Ambassador Xasan Xundubeey iyo Xubno kale.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ah Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa laga yaabaa inuu soo laaban,bedelkiisa waxaa Axmed Madoobe uu wataa shakhsi magaciisa Geelle lagu soo koobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here