KASHIFAAD: Dilka Darawalkii Sheekh Shariif Cida Ka Dambeysay & Xog Cusub

0
233

Sida shalay gelinkii dambe aan idiin soo gudbino waxaa meydkiisa la helay Sargaal katirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Xogta laga helayo Dilka Sargaalkani ayaa waxaa weli ay tahay mid kooban,balse waxaan ogaanay in dilkiisa ay ka dambeysay Haweeneey Ka mid aheyd Shaqaalaha Dawlada Soomaaliya.

Hoteelka Ridwaan ayaana la sheegay in Meydkiisa laga soo saaray Sargaalkani oo magaciisa lagu sheegay Shariif Doofil kaasi oo hore u ahaa Darawalkii gaarka ahaa ee Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Dawladii Kumeel gaarka aheyd.

Korneel Shariif Doofil ayaa waxaana la sheegay in khilaaf hoose kala dhaxeeyey Gabadha dilkiisa ka dambeysay inkastoo xiriir hoose uu ka dhex jiray,iyadoo Hoteelka Qolkiisa uga sii hormartay.

Laanta Dembi baarista CID-da Muqdisho ayaana waxay ka gaabsatay ka hadalka Kiiska Sargaalkani la dilay iyo Xog dheeraad ah inay bixiyaan.

SMC ayaa ogaatay in Howlwadeeno katirsan Hoteelka Ridwaan loo xiray Kiiska Dilka ahaa Ee Korneel Shariif Doofil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here