Kenya oo ka hadashay Go’aankii Maxkamadda ICJ ee dacwadda badda

0
43

Dowladda Kenya ayaa maalmo kadib waxaa ay ka hadashay sida ay u aragto go’ankii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee ahaa in marnaba aysan aqbaleyn in dib loo dhigo markii Afaraad Dacwadda Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib markii Kenya ay codsatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska oo loo balansan yahay 15-ka Bisha Maarso ee sanadkna 2021.

Xoghayaha  joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay in Dowladda Kenya diyaar u tahay inay xaadirto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Macharia Kamau oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in go’aanka diidmada ah ee maxkamadda in aysan ka dhigneyn inay Kenya guuldareysatay, balse uu rajeynayo in tallabo horay loo qaado.

Sidoo kale waxaa uu sheegay isaga oo ka hadlayay arrimaha la xiriira sida uu u dhacayo dhageysiga kiiska dacwadda ayuu sheegay in la eego xaaladaja Cudurka Coronavirus ee halista ah, in kastoo Maxkamaddu sheegtay in sitoos ah ay wafdiyo u soo kala dirsanayaan labada dhinac.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa la filayaa inay go’aan rasmi ah ka gaarto kiiska dacwadda Badda, waxana dowladda Soomaaliya ay sheegta inay rajo wyen ka qabto in  ay dacwadda uga guuleystan Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here