Kenya oo markale Maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loo dhigo Dacwadda Badda

0
33

Sida lagu daabacay Wargeysa Nation dowladda Kenya ayaa markii Afaraad waxaa ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ka codsatay in dib loo dhigo kiiska Badda ee kala Dhaxeeya Soomaaliya.

Dhageysiga Kiiska Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya & Kenya ayaa maxkamadda horay u shaacisay in la qaadayo 15-ka Bisha Maarso ee sanadkan 2021, waxana Kneya ay u muuqataa mid dooneysa in wada-hadal hoose lagu xaliyo kiiska Badda.

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaan weli kasoo jawaabin codsiga ay u gudbisay Kenya, hayeeshee waxaa horay u jirtay in dhowr jeer ay Kenya dalbatay in kiiska badda dib loo dhigo Maxkamadana ay ka aqbashay.

Dalabkan ay Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ah I dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan la bedelay Madaxweynihii Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yusuf oo Soomaali ahaa laguba bedelay Haweeney Mareykan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here