Khalad Khalad Ma lagu Sixi Karaa?

0
75

Dad badan ayaa markii dhaliil loo soo jeediyo hogaanka dalka ee xelligaas jooga waxay la soo boodaan oo kuwii ka horreeyeyba waa sameeyeene maxaa  kan lagu haysataa?  Ama maxaa Farmajo iyo Lafta Gareen loogu qabsanayaa khaldaadka ay galayaan, maadaama kuwii kahorreyeyba ay soo saameeyeen khaladka ama wax u iila eg?.

Runtii waa in caqliga uu koraa oo ay masakaxda shaqeysaa haddii kuwii shalay joogay ay khalad galeen ma aha ruqsad kuwa hadda joogaa u fasaxeysa inay yiraahdaa maanta khaladkaas waa la gali karaa maadaama shalay la galay.

Mw Farmajo, MW Lafta Gareen iyo kuwa aanba mudneyn in magac ahaan la soo hadal qaado ayaa waxay ku leeyihiin Xasan sheekh iyo Shariif Sheekh waa galeen khaladkaan. Xasan iyo Shariif wixii ay khaldeen aynu ku dadaallo inaan dib dambe loo galin khaldkii oo aysan dowladdaan galin. Laakiin sax maaha in dowladdaan looga dhigo marmar siiyo khaldaadkaaas la sheegayo in lagalay. Waxaa yaab leh haddii ay galeen shalay, maanta in lagu celiyaa ama la galaa mid la mid ah ma saxbaa? Ma laba khalad ayaa sax noqonaya misa kahalad hore ayaa ka dambe fasaxaya in la galo.

Maya ma fasaxayo ee waa garaad xumid dad badan oo aan aqoon siyaasadeed lahayn, balse isu haysta inay siyaasiyiin yihiin, waana dhibaatada maanta dalkeenna haysataa. Dad badan oo aan xataa waligood fadhiisan fasal looga hadlayo siyaasad, hogaamin ama  maareyn ayaa waxay qabtaan shaqooyinkaan, waxaana ka dhasah dhibaato ay aad u adkaato xallinteeda marka laga wareejiyo kursiga ay khaladka ku fuuleen, waana sida hadda uu Trump ku sameeyey  Mareykanka maareynta COVID 19 oo ay kumanaan Mareykan ahi u dhinteen welina u dhimanayaan, iyadoo annagana uu noo joogo Farmajo oo ka shaqeyn jiray Garaash Basaska lagu xareeyo oo ku yaalla magaalo yar oo ku nool yihiin 250,000 qof intooda badan aysanba raacin gaadiidka Basaska dadweynaha.

Waxaan akhriyey lafta Gareen oo leh ““Dadka ka cabanaya Guddiyada ee u badan madaxdii hore waxaan ka codsanayaa inta ay kaligood meel fadhiistaan hasoo xusuustaan wixii ay soo sameeyeen, waxa aan hubaa in guddigaan lagu qanacsan yahay marka la eego reer Koonfur Soomaaliya,” Hadalkan waxaa ka muuqata socod barad siyaasadeed oo ah inuusan Lafta Gareen fahmin in khalad horay loo galay uusan maanta marmarsiiyo u noqoneyn khalad hadda taagan oo shalay guddiyo la sameeyey oo xataa uu badalay Madaxweynihii Xelligaas kadib uu Faramajo ka cowday.

Siyaasiyiin ku-sheegga Somaliyeed oo runtii ah qaar ay dambi tahay inay hogaamin u soo istaagaan marka la eego garaadkooda, aqoontooda, fahamkooda guud iyo dhammaan waxa loogu baahan yahay inay bulsho hagaan ayaa waxaa haboon inay bartaan in khalad aan khalad lagu sixin. Kama hadleyno maxaa khaldanaa dowladihii hore waayo maanta waxba nooma tareyso ee maanta maxaa khaldan ayaan ka hadleynaa oo wax noo tareysa.

Shacbiga Somaliyeed waxaa u taalla hawl aad u badan inta ay tuugo, juhalo ah talada dalka hayaan ama u hanqal taagayaan, waxaana haboon inay si dhab ah u fahmaan ninka xilqaadi kara ee bulshada hogaamin kara waliba xelligaan adag oo qalinka uu ka muuhimsan yahay qoriga, aqoontana ay ka muhiimsan tahay jahliga oo qof aan aqoon Meesha uu wax wado yaan wax loo dhiiban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here