Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

0
144

Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan lagana maqlay  jugtiisa xaafado katirsan Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miino lagu qariyey qashin la dhigey wadada dhinaceeda,isla markaana uu sababay dhimashada  mid ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Nadaafadda ka Shaqeeya.

Qaraxa ayaa waxaa Goobta la dhigey ku yaalla mid kamid ah bangiyada dalka,waxaana mudo daqiiqado ah hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda oo aan ka fogeen goobta uu qaraxa ka dhacay,waxana haatan xaaladu ay tahay mid degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here