Khayre waa dambiile Qaran wuxuuna mudan yahay maxkamadeen

0
89

{SMC} tan & markii kalsoonida golaha shacabka kala noqdeen RW hore dalka Hassan Ali Khayre isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay qaraarkii baarlamaaniga ahaa waxaa soo baxday dad ban oo dhahaya sharuucdii dalka lagu tuntay , Hassan Ali Khayre wala bahdilay iyo erayo kale oo calaacal ah .

Horta Hassan Ali Khayre inta uu xilka Raisal Wasaaraha JFS haayay muxuu galay oo gafaf dastuuri ah siduuna u isticmaalay awooda dowlada ?

1- Hassan Ali Khayre waa ninka amray in la soo xiro ruux ugu saameenta badan JBM Sheekh Mukhtaar Robow Ali Abuu Mansuur. iyo Xasuuqii Magaalada Baydhabo uu ka gaystay.

2-RW hore dalka Hassan Ali Khayre intuu talada hayay wuxuu awood ciidan & hantida qaranka asagoo adeegsanayo wuxuu si qeyru dastuuri ah u riday Gudoomiye Jawaari.

3-Wuxuu Golaha Wasiirada umaamulay si karaamo daro ah taaso ciil ay u qabeen keentay in 40 katirsan xukuumada oo xildhibaano ah in ay u codeeyaan in la rido.
4- wuxuu ahaa maskaxdii abaabushay weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga abdirahmaan abdi shakuur taaso lagu laayay ciidam ilaalo u ah xisbiga wadajir ayagoo nabdoon xili saqdhaxo .

5- Hassan Ali Khayre wuxuu argagaxiso ku tilmaamay urur gobonimo udirirka ee ONLF iyadoo markii ugu horeeysay taariikhda dowladnimada soomaaliya ay golaha wasiirada inta shir aan caadi aheyn fadhiisteen ayeey kaga so saareen in ONLIF argagaxiso tahay.

6- Hassan Ali Khayre wuxuu qeyb ka ahaa dhiibista muwaadin , sarkaal katirsan CXDS ahna halyeey qaran oo dowladi soomaaliyeed asagoo ka difaacayo cadowga ethiopia ku dhawaacmay Cornel Abdikariin shiekh muuse qalbi dhagax .

7- Hassan Ali Khayre waa ninka amray jidadka inla xiro oo shacabka G/banaadir ay maanta kunoolyihiin nolol cariiri ah marna alshabaab qarxinaayo marna ciidamada khayre ay jidadka ku dilayaan.
Haddaba intaas iyo inkaloo badan ayuu khayre ka galay dalka intuu haayay xilka Raisal Wasaarinimo marnaba kagama tirtirmeeyso muuqaal 6 daqiiqo ka kooban uu so duubay in lagu ilaawo danbiyada uu galay.

xaqiiqdii hadii soomaaliya qof kasto danbi ka gala looxisaabin lahaa sida ay tahay maanta hassan Khayre marna iskama dhigi laheen qof la dulmiyay oo ceeb kasaliim ah.

Garsoorka dalka wa inuu shaqeeya hadii shalay looga baqaayay Khayre xil ayuu hayaa maanta xil mahaayo hana laga abaal mariyo tacadiyada uu dalka ka geestay sharciga dalkana haloohiiliyo siduu usareeyo.

W/Q Abdiwali Mohamed Faarax SMC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here