Kheyre oo lacag ku bixinaya baajinta Xildhibaanada ku wajahan caleemasaarka Axmad Madoobe

0
320

Xasan Kheyre ayaa afar iyo labaatankii saac ee u danbeeysay waxa uu ka shaqeeynayay sidii uu u baajin lahaa xildhibanaada iyo Senatariska ka qaybgalaya calaamasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axamed Maxamed Islam, (Axamed Madoobe).

Mid ka mida xildhibaanada ka qaybgalaya caaleemasaarka ayaa u sheegay SMCN in Xasan Kheyere iyo kooxo isaga la shaqeeya ay labadii habeen uu u danbeeysay kulamo la qaadanayeen xildhibaanada ku wajahan magalaada Kismaanyo.

Xildhibaanaan oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino ayaa yiri “Aniga waxa uu ii yeeray shalay magribtii  Xasan Kheyre isaga oo iga codsaday in aan ka baaqdo safarka Kismaanyo, isla markaana aan ku qanciyo saaxibada kale in ayan ayagana ka qayb-galin xaflada caaleemasaarka”. Xildhibaanka ayaa ku daray “isla xalay waxa uu Khyere ii soo diray nin ka mida howlwadeenada xafiiskiisa oo ii keenay lacag aan ku qiyaasaty $10,000 isaga uu igu yiri Xasan Kheyre ayaa kuu soo dhiibay…lacagta ii soo dhiibay waan ku cliyay waxaana u sheegnay in aan tagayno KIskmaanyo ”.

Xasan Cali Kheyre ayaa awoodiisa isugu geeyay in uu lacag ku kala fur-furo xildhibanada ku wajahan magaalada Kismaanyo.  Gaar ahaan waxa uu xooga saaray xildhibanada uu u arkayaayay in ay hormuud ka yihiin abaabaulka safarka Kismaanyo.

Waxaa waxa lala yaabo ah in Xasan Kheyre lacag laaluush ah  bixiyayay maalintii uu Farmaajo saxiixay sharciga ka hortaga musuq-maasuqa dalka.

Waxaa la filayaa in maalinta arabacada ay magalaada Muqadishu ka baxaan dhowr diyaaradood oo wado xildhibaano iyo marti sharaf kale oo ku wahan magalaada Kismaanyo si ay uga qayb galaan caleema saaraka Madaxweyne Axmad Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here