Kismaayo Oo Shir Xasaasi Ah Maanta ka dhacay (DAAWO SAWIRRO)

0
46

Madaxweyne ku xigeenka boobbaland ahna ku simaha madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Jubbaland oo bishiiba mar qabsooma.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka labaad ee bubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyada oo ay shirka ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda Jubbaland, saraakiisha ciidanka bubbaland, la taliyeyaal dhanka amniga ah iyo saraakiil ka socotay hawlgalka nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

Shirka waxaa lagaga wada hadlay xaalada guud ee amni ee bubbaland waxaana warbixinno laga dhagaystay taliyayaasha qaybaha ee ciidanka Bubbaland, kuwa xoogga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here