Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo lagu weerarray magaalada Muqdisho

0
195

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday Kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa oo mararayay agagaarka Isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada MuqdishoQaraxan oo ayeey goobjoogayaal sheegeen in loo adeegsaday Miino la dhiggay wadada dhinaceeda, waxaana lagu beegay qaraxa xili ay halkaa marayeen ciidamada AMISOM.

Dad ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhaawacyada laba  ruux oo Shacab ah,kuwaas oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha kasoo gaaray ciidamada AMISOM  qaraxaasi Miino,waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadu ay joojiyeen  isku socodka dadka iyo gaadiidka wadada isku xirta xaafada Suuqa Xoolaha  ilaa iyo Isgoyska Ex-Koontoroo Balcad.

Ciidamada AMISOM ayaa mararka qaarkood weerarro u badan qaraxyo miino lagula eegtaa wadada isku xirta Ex-kontrol Balcad, SOS illaa suuqa  Xoolaha ee degmada Heliwaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here