Koonfur Galbeed oo maamul u magacaawday magaalo uu Shabaab heysto

0
165

Wareegto kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa guddoomiye iyo ku xigeenkiis loogu magacaabay deegaanka Jannaale ee gogolka Shabeellada Hoose.

Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa guddoomiyaha deegaankaas u magacaabay Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, isagoo ku xigeenkiisa dhanka  amniga iyo siyaasadda u magacaabay Cismaan Xasan Cali.

Deegaanka Jannaale oo hoos taga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa gacanta ugu jira dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu maamulka gobolku wado qorshihii looga saari lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here