Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay qabatay Shaqsi is qarxin rabay

0
29

Magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay shaqsi hay’adaha amnigu sheegeen inuu doonayey inuu isku qarxiyo magaalada Baydhabo

Shaqsiga ayaa lagu magacaabaa Isaaq  kaasi oo ku hubeysanaa Jaakad bam ku xiran qori AK 47 iyo booshkiisa, halka ninkan kale ee qoriga sitana uu isku soo dhiibay Ciidanka amniga.

Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo ee Koonfur Galbeed Muqtaar Ibraahim Dumbudow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ninkaas uu doonayay inuu shacabka ku dhaqan Baydhabo isku qarxiyo, hayeeshee gacanta lagu dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here