Koox hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho

0
63

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa goor dhow Askari ku dilay Isgoyska Siinay ee Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Askariga la dilay ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay howlgallo.Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayay Shaqsiyaad kala duwan , waxaana Todobaadkii lasoo dhaafay Muqdisho lagu dilay Nabaddoon iyo wiil dhalinyaro ah, dhammaan Kooxii dilka geystay ayaa goobta baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here