Kulan Muqdisho uga socda Madasha iyo guddoonka Golaha Shacabka

0
39

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madasha Xisbiyada ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ku-xigeenkiisa iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Kulankaas ayaa la sheegay inuu yahay dalab ka yimid dhinaca Guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku-xigeenkiisa C/weli Muudey, waxaana looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Dalka iyo sidoo kale isbadelkii ka dhacay dalka ee xilka looga tuuray , raiisul Wasaare Kheyre.

Wararka ayaa intaas ku sii daray in labada Guddoomiye ay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh fariin uga sidaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi.

Gudoomiye Mursal iyo Muudey ayaa hormuud ka ahaa xilka qaadistii Kheyre, waxaana wararka ay sheegayaan in ay ku qancinayaan Mucaaraadka in ay keenaan Ra’iisul Wasaare si loo helo Muddo korosi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here