Kursi la kufsaday laguma kifaaxaayo Kufsiga waa fal-danbiyeed Diiniyan

0
351

Kursi la kufsaday laguma kifaaxaayo Kufsiga waa fal-danbiyeed Diiniyan iyo Madaniba qof loo kufiyay kursi hogaan-sare ma maamuli karo waayo shacabkii uu maamuli lahaa kama helaayo wax karaama ah waxeey ogyihiin qaabkii uu ku yimid mana jiri doonaan wax weeyn ee uu soo kordhinaayo. Hadaba waxaad iska indha tireeysaan Micnaha Dowlad waxa ay tahay Dowladi waa Dad meel wada dagan oo sameeystay Xeer iyo Nidaam ay heshiis kuwada yihiin hadaba hadii heshiiskii lagu soo dhisay Dowlada federaalka aad rabtaan in aad u bur-burisaan Danihiina gaarga ah taasi waxeey wadanka u horseedeeysaa in uu dib ugu noqdo halkii uu ka yimid sanadii 1991 taasi waxaa sabab u ah Faragallinta aad ku heeysaan Doorashada koonfur galbeed ee aad ula dhaqmeeysaan si aan waafaqsaneey Nidaamkii Dowladga ahaa ee lagu soo heshiiyay idinkoo sifa aan sharci eheeyn xildhibaanadii koonfur galbeed aad ku geeysateen Magaalada Muqdishow kulana soo heshiiseen in ay Doortaan Murashaxa aad wadataan waxaa kale aad sameeyseen in Faragallisaan gudigii Doorashada ilaa aad gaarsiiseen in ay is casilaan dib u dhacna ku yimaado waqtigii Doorashada sidaasi oo kale Gudigii labaad ayaad cadaadis iyo caburin ku heeysaan weey idin cutami weeysay isku daygiini ugu danbeey waxa aad rabtaan in aad xoog ku muquunisaan taasi waxaa cadeeynaaya Ciidamada iyo Hubka aad ka soo dajiseen Magaalada Baydhabo oo rabtaan in aad khal-khal iyo Xasilooni dari aad abuurtaan intaasi waxaad u sameeyneeysaa waa sidii aad ugu hor istaagi laheedeen

Murashaxa Aqlibiyada Shacabka Mukhtaar Roonoow waxaan ognahay Mukhtaar in uu ku yimid wada HADALO iyo HESHIIS Caalami iyo mid Dowladeed Mukhtaar wuxuu idinla joogay Sanad iyo Nus wuxuuna deganaa Xaruunta guud ee NISA hadii DANBI leeyahay maxaa markaasi loogu XUKUMI waayay mida kale waad ogeedeeyn wuuna idin soo sheegay Mukhtaar intii uusan iso soo tagin Murashixnimada isagoo idin sheegay in ay codiyo fara-badan ugu yimaadeen shacabka koonfur galbeed

Dal iyo Dibad idinkoo arkaayay xaflado badan oo Mukhtaar loogu dalbanaayay in uu isa soo Rashaxo ayaa Magaalada Muqdishow dhowr jeer lagu qabtay ma eheeyn wax qarsoodi ah laakin arinkiinu wuxuu u egyahay Nin meel u Cad Nina u Madoow Mukhtaar Rooboow laguma cabsi galin karo Ciidamo Dayaarado lagu soo Daabulay wuu isaga filan yahay Runtii Dhoowr sanadood ayuu iska Difaacaayay Al-shabaab iyo Dowladihii jiray iyadoo laba Al-baab Dagaal ugu furanyihiin Ciidamadaan aad Dayaaradaha ku soo Daabuleeysaan ma keeni karaan wax Natiija oo Guul idin ah oo aan ka eheeyn Dhimasho , Bara-kac iyo in dib loogu noqdo Colaad beeleedyo oo aan laga dhaxleeynin waxaan Dib u dhac eheeyn iyo Nidaamkii Dowladnimada oo wiiqanta waxaan eheeyn Mukhtaar Rooboow hadii ladilo wuxuu la mid noqonaa Geesigii Reer Libya Cumar Mukhtaar hadii la Xirana wuxuu la mid noqonaa Geesigii Reer South Africa Nelson Mandela Ugu danbeeyntii Dowlada federaalka waxaan ugu Digayaa in aysan wadanka dib ugu celinin meeshii uu ka yimid Shacabka koonfur galbeed iyagana waxaan ugu Baaqayaa in ay iska Difaan Duulaanka Qaawan ee lagu soo qaaday sidii ay isaga Difaaceen Mooryaantii SAL-BALAAR u istaaga in aad Difaacdaan jiritaanka Dadnimadiina iyo Aayihiina

Dr Cali Cabdi Baab aliabucar@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here