Kusimaha Madaxweyna KGS Oo La kulmay Laamaha Amaanka

0
293

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheikhuna ayaa  maanta kulan deg deg ah waxa uu Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Sarakiisha kala duwan ee Ciidamada amaanka ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/qaadir Shariif Sheikhuna Maye ayaa saraakiisha uu kulanka la qaatay waxaa ka mid ah taliyeyaasha Ciidamada,Millateriga,Booliska Nabadsugidda iyo kuwa Amisom ee sector three ,waxana uu kala hadlay xaalada amni ee guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan Amniga Doorashada La Filayo inay dhacdo bishan aynu ku jirno ee November.

Kulanka markuu soo idlaaday kadib ayaa waxaa Qodobada ugu mihiimsanaa ee shirka warbaahinta la wadaagay Afhayeenka madaxtooyada koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Gacma Dheere.

Kulankan maanta kusimaha madaxweynaha Konfur Galbeed Soomaaliya mudane C/qaadir Shariif Sheikhuna Maye uu laamaha amniga ayuu ku soo aadaya xili ay soo dhowdahay doorashada madaxweynimo ee Koonfur Galbeed oo la filayo inay dhacdo bishan 17-keeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here