Laacib hore C/qaadir Maxamed Faarax (Biriq) oo Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coronavirus

0
16

Tababare C/qaadir Maxamed Faarax (Biriq) oo dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coronavirus

Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coranavurus.

Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay yiilay isbitaal kuyaala London halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay.

Waxaa uu kamid noqonayaa Soomaali badan oo dalka dibadiisa ku sugnaa oo cudurkaan u geeriyooday saddexdii maalmood ee ugu dambeysay.

Dalka Sweden ayaa kamid ah meelaha laga diiwaan galiyay dhimashada ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah oo u badan dad da’a.

Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), ayaa sanadkii 1961 ku dhashay magaalada Baladweyne. Sanadkii 1976 ayay ahayd markii ugu horeysay ee uu bilaabay kubada cagta, isagoo ka bilaabay dugsi koleej ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here