Lacagtii Kheyre ku bixiyay soo dhawayntiisii Baydhabo oo la isku qabsaday

0
549

Xasan Kheyre ayaa  inta uusan imaanin magalaada Baydhabo  waxa uu soo diray lacag hordhac ahayd  oo lagu soo hagaajiyay shaqsiyaad uu magacaabay Cabdicasis Lafta Gareen. Lacagtaas hordhaca ah ayuu Kheyre ugu talagalay in dadka magaalada loogu soo saaro halka qayb  ka mida  lacagtaas uu amray in la siiyo idaacadaha ka hawlgala Baydhabo iyo baraha bulshada.

Lacagta hordhaca ahayd ayaa waxa sidoo kale lagu amray Cabdicasis Lafta Gareen in loo isticmaalo in boorar  waaweyn lagu dhajiyo guud ahaan magaalada Baydhabo inta uu ku sugan yahay magalada iyo xataa marka uu ka tago. Waxa sidoo kale Xasan Kheyre  uu codsaday in la daabaco koofiyado iyo boorar dadka gacanka ku qaataan marka ay isaga soo dhaweynayaan.

Madaama shacabka reer Baydhabo ayan doonaynin in ay soo dhaweeyaan wax ka socda dowlada Fedaraalka ayaa waxa la qorsheeyay in dad laga soo kaxeeyo xarumaha qaxootiga kuwaas oo telefanadooda loogu shubayo $3 qofkiiba. Dhanka kale   dadka hogaaminaya dadkaas ayaa loo balan qaaday in  la siinayo qofkiiba $800. Waxa sidoo kale lacag qaasa  loo qoray qaar ka mida ururka haweenka magaalada Baydhabo iyo  dhalinta Baydhabo. Dadkaas ayaa loo balan qaaday in la siinayo qofkiiba $1,000 hadii soo dhaweynta Xasan Kheyre ee Baydhabo lagu guulayso.

Kheyre ayaa shaqasi ahaan codsaday in garoonka diyaarada ee magaalada Baydhabo  la keeno in ka badan 1,000 qof oo ku labisan funaanado iyo booraar sawirkiisa ku dhagan yihiin. Ciidamada Ilaalada Itoobiya ee ka howlgala Garoonka Diyaardaha ayaa ka biyo diiday in dad badan la keeno garoonka sababao amni awgeed.  Tirada imaan kartay Garoonka ayaa lagu soo koobay 148 qof in ay garoonka ku soo dhaweeyaan Kheyre.

Lacagta ku baxday soo dhaweynta Kheyre ayaa lagu sheegay in ay gaaraysay $187,000 (inta la sheegay) taas oo la sheegay in qayb ka  mida ay gacanta u gashay kooxdii loo xilsaaray soo dhawaynta Kheyre. Haweeyn ka mida dadkii loo balan qaaday lacagta oo qayb weyn ka qaadatay  so dhaweynta Kheyre ayaa u sheegtay wariyaha Southern Media ee magalaada Baydhabo in lacagtii magacooda lagu soo qaaday ay jeebka gashadeen dad ka tirsan xafiiska Cabdicasiis Lafta Gareen.

Haweeynad oo magaceeda ku soo koobtay Xaawa ayaa tiri, “dhowr habeen iyo maalin ayaa dad ka  soo saareynay xeryahooda si ay soo dhaweeyaan Kheyre, waxaana naloo balan qaaday in lacag nala siinayo, ilaa iyo hada lacag nalama siinin, lacagtii la sheegay in la soo dirayna dad ku dhaw Lafta Gareen ayaa jeebka gashaday. Waxa ay tiri “waa oganahay cida lacagta qaadatay waxaa naago/haween isku sheega in ay la taliyayaal u yihiin Lafta Gareen”.

Waxa sidoo kale lacagtii loo balan qaaday laga dhacay qaar ka mida ururada bulshada Rayidka ee reer Koonfur Galbeed kuwaas oo dacwad u diray Xasan Kheyre. Adan Yarow oo ka mid dadkii lacagta lagala goostay lacagta  ayaa yiri, “Xasan Kheyre lacagteenii xaqa aan u lahayn oo uu isaga balan qaaday waa la baxsaday, hadii lacagteena nalagula heshiiyay  nala siin waayo, shir jaraa’id ayaan ku qabanaynaa Baydhabo hadii xataa taas keenayso in aan nafteena ku wayn”.

Xasan Kheyre ayaa waxa uu lacag aan xisaab lahaynin ku bixiyay safaradiisa iyada oo dalka baahi dhaqaale  ka jirto, gaar ahaana iyada oo qaar ka mida shaqalaha dowlada fedaraalka ama shaqaalaha dowlad Goboleedyada ayan mushaar qaadanin mudo dhowr bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here