Lafta-gareen oo booqasho ku tagayDegmada Xudur

0
108

Share

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Safarka Lafta-gareen uu ku tagay Xudur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkiisa iyo sidoo kale Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ee ka howlgala Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen, ayaa sheegay in Maalmo uu joogi doono Xudur, inta uu ku suganyahana  wax badan uu ka qaba doono baahiyaha ka jira Degmadaas, isagoo sheegay in uu u kuur gali doono sida ay u howlgalaan maamulka iyo Ciidanka degmadaas degaan u dhow magaaladda xudur ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kasocday dagaalo u dhaxeeye ciidanka koonfur galbeed iyo kuwa alshabaab.

 “Waxaan u nimid inaan ogaanno howlaha maamulka ee ka socda degaannada Gobolka gaar, ahaan Degmada Xudur iyo inaan dardar gelino howlaha maamulka, sida shaqada ku socotana ogaano, oo aan ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here