laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo kana hadlay dagaalka Al-Shabaab

0
39

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo Ee  Xaruunta KMG ee Maamulka Koonfur Soomaaliya.

Cabdicasiis ayaa maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka turkiga, isaga oo sidoo kale dhawaan tegay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool  oo xaalad adag oo go’doomin ah ay kajirto.

Soo dhawyen kadib Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka hadlay xaalada amni ee degaannada maamulkaas iyo howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur galbeed.

Waxaa uu u hambaleeyay Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur Soomaaliya howlgalkii ay ka fuliyeen Deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in lagu dilay 7 Xubnood oo ka tirsan al-Shabaab.

Ugu dambeyn Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dowlad goboleedka koonfur Soomaaliya uu u diyaarsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here