Lix Qodob Oo Saameyn Reebi Doonto Xiriirka Soomaaliya ujartay Kenya

0
59

Xiriirka labada Dal ee go”ay Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegayaa in arimo badan saameyn ka dhalan karto.

Waxyaabaha la filayo inay dhacaan kadib xariirka ay dowlada Soomaliya u jartay kenya

1. Shakhsi walba oo wata Passbort ka diplomcyga ee Cas ama Gaduudan oo loogu talagalay shaqaalaha dowlada waxa uu xisaabsanyahay siyaasi Waana dadka loo qabtay inay kenya kasoo baxaan.

2. Dadka Soomalida ah ee kenya ku jooga Passbortka Soomaliga ah arintaan si adag ayay u saamayn-doona sida la filayo ; Waayo Safaarada Soomaliya ay kenya ku leedahay waa la xiray maanta gebi-ahaanba ilaa amar dambe.

3. Shaqaalaha Safaarada ; Xildhibaanada ; Wasiirada ; Heer federal iyo heer maamul goboleed ayaguna way kasoo bixi-doonan kenya.

4. Ganacsiga iyo wada-shaqaynta labada dowladood sida arimaha amniga ayaa meesha ka bixi-doona dhawaan sida la rumaysan yahay.

5. Hay’adaha Soomalia ka howlgala ee kenya deggan iyagu waxay maanta u tahay maalin madoow ; inkastoo horey loogu diray waraaqo lagu amray inay Muqdisho  soo deggaan sida ay dowladu Soomaaliya sheegtay.

6. Jarida xariirka labada dowladood waxa uu wadada u xaaraya in ciidamada kenya aysan dalka sii joogi karin madama aysan jirin wada shaqayn amni ee ka dhaxeysa labada dowladood: Waxana la filaya in ay wareegto kale dhawaan soo baxdo oo ku aadan ciidamada kenya ee Soomaliya jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here