Ma Run Baa In Villa Soomaaliya Diiday Kulamadii Aqalka Sare?

0
54

In muddo ah waxaa kulan aan yeelanin Xubnaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya,iyadoo dadka badankood isweydiinayaan waxa aysan kulamadooda udhicin.

Inkastoo Kulamadooda ay saameyn taban ku yeelan karaan Xasarada Siyaasadeed ee Dalka hadana waxay umuuqataa mid arimo jiro dib loo kulmi waayey.

Senetor Axmed Maxamed Nadiir oo deegaan doorashadiisu Jubbaland tahay waxa uu Gudoonka ku eedeeyey in howsha dhankooda ka socon la’dahay.

Senetor Nadiir ayaa beeniyey in Villa Soomaaliya ku lug leedahay baaqashada kulamada Aqalka sare yeelan lahaayeen.

Gudoomiyaha Golahaasi waa Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu dhowr jeer soo saaray warqado lid ku ahaa sharciyo ay meel mariyeen golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here