Maalinta Beri Ah C/casiis Lafti-gareen Wuxuu Mudo Korarsi Halsano Ah Weydiisanayaa Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 65% Uu Isaga Abtiga U Yahay.

0
55

Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Ayaa 6/10/2019-ka War Saxaafadeed Kasoo Saartey Doorashooyinkii La Doonaayey In Ay Ka Dhacaan Maamulada Jubbaland & Galmudug, Wasaaradu Waxey Sheegtey In Muda Kororsi Maamul Gobaleedyada Dalka Aan Laga Aqbali Doonin.

. C/casiis Lafti-gareen Oo La Doortey 19-kii December 2018-ka, Wuxuu Xilka Madaxweynenimo Hayaa Muda Ku Siman Sanad & Bar.
20/04/2020-ka Oo Ah Maalinta Beri Ah Madaxweynaha Maamulka C/casiis Lafti-gareen Wuxuu Mudo Korarsi Halsano Ah Weydiisanayaa Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 65% Uu Isaga Abtiga U Yahay.


Su’aasha Is Weydiinta Mudan Ayaa Ah, Aaway Wasaaradii Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, Ee Muumulada Jubbaland Galmudug, Muda Korarsiga U Diidey, Mise Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa Noqdey “La Jiifiyana Banaan La Joojiyana Banaan”!.
Maxey tahay Sababta Ka Danbeysa In C/casiis Lafti-gareen Xiligaan Oo Dunidu Saameeyey Cudurka Safmareenka Ah Ee COVID-19, Muda Korarsi U Raadinaayo!.


Waxaan Shaki Ku Jirin In C/casiis Lafti-gareen Uu Qabo Kalsooni Daro Ah, Inuusan Xilkiisa Dhameysan Doonin, Hadii Maamulka Villa Somalia Ayaa Xafiiska Baneeyaan!.
C/casiis Lafti-gareen Ayaa Guri Ka Iibsadey Dalka Turkiga, Isagoo Cabsi Ka Qaba Kacdoon Shacab Oo Ay Sameeyaan Shacab Weynaha Ree JBM.


C/casiis Lafta-gareen Oo Hal Maalin Aan Ka Hadlin Dhibaatooyinkii Ka Dhacey Gobalka Shabeelada Hoose & Degmada Diinsoor Ayaa Maalinta Beri Ah Muda Korarsi Hal Sano Ah Ka Raadinaya Xildhibaanada 2aad Ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed 65% Uu Isaga Abtiga U Yahay!.


61-dii Xildhibaan Ee Deegaan Doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Ayaa Iyagana Ka Rajo Dhigey Xaalada Kasoo Cusboonaatey Koonfur Galbeed Kadib Markii Dhamaantood Loo Sheegey In Aysan Kuraasta Kusoo Noqon Doonin!.


Maamulka C/casiis Lafti-gareen Ayaa Gebi Ahaanba Curyaamiyey, Siyaasiyiinti, Aqoonyahankii, & Dhamaan Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan.
C/casiis Lafti-gareen Wali Waxaad Heysataa Fursad Aad Iskugu Keeni Karto Shacabka & Siyaasiyiinta Kaa Fikir Duwan Ee Kasoo Jeeda Jamhuuriyada Barakaysan Mayland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here