Maamulka Balcad: “Weerar ayaa caawa nagu socda, maxaan ku samaynay Farmaajo iyo Kheyre?

0
35

Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay caawa weerar culus kusoo qaadeen xerada ciidamada xoogga dalka ee Hiilweyne.

Maamulka waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in xerada oo dhan ay gubaneyso islamarkaana la maqlayo rasaas xooggan oo ka dhaceysa gudaha, waxaana ay dowladda ku eedeeyeen inay dayacday.

“Ayada oo daadad ay ka jireen ayaa Balcad waxaa lagu hayaa weerar. Xerada Hiilweyne waa ay gubaneysaa, rasaasna waa la maqlayaa. Goorma ayay dowladdeena garowsan doontaa rafaadkeena. Maxaan ku samaynay Farmaajo iyo Kheyre” aaa lagu yiri qoraal mamaulka uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Maamulka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerarka dileen shan qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba haween ah, iyo kabtan ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

“Madaxweyne, illaa goorma ayaad iska indha tiri doontaa gowraca ku socda dadka Balcad. Ra’iisul wasaare, goorma ayaad soo toosi doontaa.” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka Balcad.

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa ayaa marar badan lagu eedeeyey inay dayaceen gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad iyo deegaanada ku dhow, oo Shabaabka ay aad ugu xooggan yihiin.

Wararka caawa laga helayo Balcad ayaa sheegaya in Shabaabka gudaha u galay xerada Hiilweyne ay gubayaan gawaaridii militariga iyo teendhooyinkii ciidanka. Weli lama hayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka.

Xoogaga Al Shabaab oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysan ayaa dhawr jiho ka weeraray Xerada Hiilweyne, oo saldhig ciidan u ah Ciidanka Xoogga Dalka.

Halka uu dagaalka ka socdo iyo deegaanada ka fog fogba ayaa waxaa maqlayaa hubka ay labada dhinac dagaalka isu adeegsanayaan. Waxaana soo baxaya warar sheegayay in halkaasi laga maqlay qaraxyo xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here