Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo Afka Marsaday Lacagihii Ay Qurbo Joogta Ugu Tala Galeen Fatahadaha

0
65

Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen oo Afka Marsaday Lacagihii Ay Qurbo Joogta Ugu Tala Galeen Fatahadaha
Xogag rasmi ay oo ay heshay SMC NEWSS ayaa waxaa ay sheegayaan in maamulka koonfur galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdicasiis Lafta gareen ay afka marsadeen dhaqaalihii ay qurbo joogta ugu tala galeen dadka fatahaadaha soo gaartey.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qurbo joogta koonfur galbeed ayagoo is xilqaamay ay soo direen lacag kor u dhaafay 40.000 oo doolar taasoo ay ugu tala galeen in gargaar u noqoto dadka ay dhibaatada kasoo gaartey ee ku dhaqan magalada bardaale.

SMC NEWSS oo uu kuur galey dadka ay dhibaatada kasoo gaartey fatahadaha ayaa waxaa ay indhahooda kusoo arkeed dad aad u tabaaleysan isla markaana u baahan gurmad deg deg ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha arimaha fatahaada dib ayaan idinkala soo socodsiin doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here