Madasha Xisbiyada Qaran Oo Cadeeyey Mowqifkooda Shirka Dhuuso mareeb

0
75

War saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in shirka maalin kadib ka dhacaya Dhuuso mareeb ay mowqifkooda soo bandhigeen.

Waxay Madasha Xisbiyada soo dhaweysay Shirkaasi lagu ballansan yahay 9 Bishaan Dhuuso mareeb oo Madaxda Maamul Gobolleedyada iskugu imaanayaan.

War Murtiyeedka Madasha ay soo saareen waxay wax laga xumaado ku sheegeen in dib udhacay Shirkii Shantii Bishaan Muqdisho la filayey inuu ka dhaco Ee Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada.

Madasha Xisbiyada qaran waxay ku baaqday in xal loo dhan yahay laga gaaro wax walbo oo siyaasada Dalka lagu xalin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here