Madaxwaynaha Bubbaland oo maanta furaya kala fadhiga 3-aad ee golaha wakiilada Bubbaland

0
78

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furaya kala fadhiga Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Bubbaland oo muddo laba bilood ah  ku maqnaa fasax.

Munaasabada qaban qaabada oo hadda ka socota xarunta daawad ayaa waxaa jooga Gudoonka Golaha wakiilada Jubbaland,Xildhibaano,wasiiro iyo dadwayne ka qayb galaya munaasabad lagu furaayo kala fadhiga sadexaad ee golaha wakiilada Bubbaland .

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed  ayaa laga yaaba in uu khudbad ka jeediyo Munaasabada furitaanka Golaha wakiilada Bubbaland,Taas oo laga yaabo in uu uga hadlo heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ku gaadheen 17 bishii aan soo dhaafnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here