MADAXWAYNE BUSH SOOMAALIYA ABAAL MAKU LEEYAY?

0
237

Madaxwayne Bush wuxuu amray December 5, 1992 ciidanka loo yaqaano Maries oo gaaraayo 28,000 inay inay tagaan Soomaaliya si ay u caawiyaan in cuntada la gaarsiiyo malaayiin Soomaaliyeed oo gaajo u dhamaaneeysay.

Dagaalkii sokeeye meelaha uu aad u sameeyay waxaa ka mid ahaa magaalada Baydhabo oo maalintii baahi darteed ugu dhiman jirtay ilaa 2000 qofood oo ciyaal u badan, tasoo magaaladaas loo boxiyay (The city of death ).

Dhimashadaas waxay ahayd mid sababta ay lahaayeen dad ku kor dagaalamaayay shacabka oo rabay midkastaa gacan ku haanta goboladaas( man-made disaster) tasoo ay ku kaliftay in dadkii nolol maalmeedkoodi ay ku adkaato inay soo saartaan. Waxaa kaloo ayadana dhib wayn ka taagnaa hay”adaha Aduunka oo cuntadii iyo daawooyinkii gaarsiin waayay meelahii dhibka ka jiray, sababtuna ahayd jidadkii oo qabiilo ay xirteen.

Madaxwayne Bush inkastoo marka uu ciidanka uu diray waqti yar uga harsanaa xafiiska, lakiin wuxuu ku guuleeystay in maalintuu ku dhawaaqay uu helay taageero dowlado badan, Inay diyaar u yihiin in qayb ka noqdaan operation restore home, waxaana ka mid ahaa Britain, Belgium, France, Canada, Italy, Pakistan, Jordan, Germany iyo Japan. Isbuucii ku xigay waxaa ku soo darmay dowlado gaaraayo 20.

Dad badan oo aan ka mid ahay waxaan aaminsan nahay President Bush inuu badbaadshay malaayiin Soomaaliyeed, haba ugu badbaadaan Ilmaha. 5 bilood ka dib waxay magaaladii Baydhabo markale noqotay Baydhabo Janaay-dii lagu yaqaanay.

President Bush, wuxuu kaloo saxiixay in boqol kun dadka qaxootiga ee Soomaaliyeed ee ku jiro xeryaha qaxootiga la siiyo deganaasho dalka Mareeykanka ayaga iyo caruurtooda, tasoo noqotay markii ugu horeeysay dad Africaan ah oo Muslim ah la siiyo tiro noocaas ah.

Hadaba President Bush wuxuu ahaa qof badbaadiyay umadda Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba. Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed, qaasatan Reer Baydhabo in magaciisa la xuso, wuxuu ahaa qof aad u yaqaana Soomaalida horena uga soo shaqeeyay jecelna dadka Soomaaliyeed.

RIP MR. PRESIDENT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here