Madaxweynaha Kenya oo digniin soo saaray, xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo DFS

0
61

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye isla markaana ka codsaday in aanay soo faragelin arrimaha gudaha ee Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.

Wuxuu sheegay in Kenya aysan ogolaan doonin in wax loo yeeriyo balse ay soo dhawanayaan wadashaqeynta dalalka caalamka.

“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno, waxaan idiin ka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xiisada diplumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay xoogeysatay, isla markaana aan xal laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here