Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabey Xubnaha ku matalaya doorashada Heer Federaal

0
37

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa Magacaabay Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ku matala  Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga uu Magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka kooban 8 Xubnood ayaa waxaa ay ku  biiri doonaan Xubnaha guddiyada Heer dowlad goboleed sida ku cad heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir.

8-da xubnood ee Guddiga doorashooyinka ku matalaya Maamulka koonfur Galbeed ee uu Magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku jira Saddex Haween ah, xilli dhowr jeer Haweenka Soomaaliyeed ay ka cawdeen inaan door laga siin Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka.

Guddigaan ayaa  waxaa ay Arrimaha doorashooyinka kala shaqeynayaan xubnaha kale ee laga kala keenay,  Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Wakiilada Somaliland, Gobolka Banaadir & Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here