Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow gaaray dalka Eritrea

0
54

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhow gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Asmara si diiran ugu soo dhoweeyey dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Booqashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaadan doonto muddo labo cisho ah, sida ay xaqiijisay xukuumadda Asmara.

Sidoo kale wuxuu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, iyagoo ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirkaa Eritrea iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan gaarin Asmara ka soo amba-baxay magaalada Jubba ee caasimadda Suudaanta Koonfureed, halkaas oo uga qeyb-galay munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska Suudaan.

Eritrea ayaa sidoo kale tababar siisa dhalinyaro Soomaali ah oo ka mid noqonaya ciidanka Xoogga dalka oo dhowaan loo qaaday dalkaasi.

Waa booqashadii saddexaad ee uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ku tegayo dalka Eritrea.

Muddooyinkii u dambeeyey xiriira wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ahaa mid sii xoogeysanayey, gaar ahaan wixii ka dambeeyey markii ay isbaheysi gaar ah sameysteen dalalka kala ah Itoobiya, Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya, kuwaas oo dhaca geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here