Madaxweynayaasha Somalia & Kenya oo heshiis cusub ku saxiixay Nairobi & Shir jaraa’id oo ay qabteen [Akhriso ]

0
116

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi wada-hadallo kula leh madaxweynaha dalak Kenya Uhuru Kenyatta.

Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Cabdinuur ayaa sheegay in kadib wada-hadallada ay labada madaxweyne qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku faah-faahin doonaan waxyaabaha ay isku afgarteen

Illaa hadda lama yaqaan waxa ay ku saabsan yahiin wada-hadallada u socda labada dhinac, mana cadda in xiisadda badda ay qeyb ka tahay.

Naga filo faah-faahin iyo waxa kasoo baxa wada-hadallada dhowaan Insha Allah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uruhu Kenyatta ayaa wadahalo qaaday Saacado ku yeeshay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Labada Hoggaamiye oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay waxa ay shaaciyeen heshiisyo dhowr ah oo ay gaareen .

Waxaa ka mid ah in dib loo soo Celiyo Duulimaadyadi Tooska ahaa ee Diyaaradaha ay ku tagi jireen Muqdisho iyo Nairobi iyadoo la joojiyay marinki ay Diyaaradaha ku hakan jireen ee ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Wajeer.

Waxaa sidoo kale ka mid ah in Shaqaalaha Dowlada lagu siiyo Visaha Dalku Galka ee Kenya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.

Labadda Hoggaamiye ayaa sidoo kale ku heshiiyay in si wadajir ah looga wada shaqeyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in Sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya labadda dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here