Madaxweyne Lafta Gareen oo kulamo ka wada Magaaladda Xudur

0
86

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed iyo Wafdigii uu Hogaaminayey ee xalay ku hoyday Degmada Xudur ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Mamulka Gobolka Bakool kan Degmada Xudur iyo Saraakiisha Laamaha Amniga degmadaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta socdaalka Madaxweyne laftagareen ee Gobolka Bakool, xarig jarka mashaariic laga fuliyay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool iyo arrimaha Amniga.

Wasiirka Cadaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulanka siwyen looga hadlay xaaladaha kajira Gobolka Bakool, waxyaabaha u baahan in wax laga qabto iyo ka hortagag COVID-19 halka saraakiisha Ciidamada ay ka warbixiyeen xaalada Amni ee gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu xariga ka jaro mashaariic kala duwan oo laag hirgeliyay degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here