wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in laba qof shacab ah sakay lagu dilay gudaha magalaada kismaayo ee gobolka jubbada hoose
kooxa hubeysan ayaa waxa lagu soo waramayaan in ay magaalada kismaayo ku dileen wiil dhalinyaro iyo nin xamaali ah oo ka mid ah dadka shacab ah
waxaana lagu kala sheegay magacyada dadka maanta lagu dilay kismaayo qadar iyo wiil yar oo lagu magacaabo qaalid maxamed ,waxaana la sheegay in loo dilay arimo la xariira aanooyin qabiil
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyadiid dilka geeysatay ay diideen in la qaado meeydka dadka la dilay
mid ka mid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta SMC la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kooxa maleeshiyaad hubeysan ay kismaayo saakay ku dileen nin qadar oo ka mid ahaa dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada kismaayo iyo wiil yar oo ka mid ah dadka buufiya baabuurta
waxaana uu sheegay in ninka la dilay uu ahaa nin xamaali ah oo sagaal caruur ah lahaa islamarkaasna isaga iyo wiilka yar oo aan waxba galabsana loo dilay arimo xariira qabiil
inta badan falalka noocaan oo kale islamarkaasna la xariiira anooyinka qabiil ayaa waxa ay ka dhacaan magaalada kismaayo
waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale qabiil loogu beegsaday dad masaakiinah oo aan waxba galabsan iyo dad iskugu jira aqoonyahano iyo dhaqaatiir oo dadka indho iyo hal door u ahaa