Maleeshiyaad Rabshado Ka Wadey Degmada Walaweyn oo Laga saaray Magalada

0
35

Wararka inaga soo gaaraya degmada walaweyn ayaa sheegaya in dagaalkii galinkii dambe ee shalay ka bilowdey degmada walaweyn lagu kala adkaaday dagaalkaasi oo uu u dhexeeyey maleeshiyaad isbaarooley ah iyo weliba dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in maleeshiyaadkii laga saaray gebi ahaan gudaha magalada isla markaana lagala wareegey dhamaan goobihii ay magalada kaga sugnaayeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadkaasi lagala wareegay hub ciidamo badana halkaasi looga dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here