Maqaal ku socda Laftagareen iyo Mr Fiqi Yaa Mudan Bogaadin

0
486

Yaa Mudan Bogaadin Waxay igu noqotey lama filaan ka dib markii aan baraha bulshada ka daawadey muuqaal laga soo shaqeeyey si isbarbardhig siyaasiyiinta muxaafid iyo mucaarad isugu jirey oo ahayd oraahdaa tahniyadeenta Ciidul Fitriga awgii . Hadaba Madaxweynaha KGS Cabdulcsiis Laftagareen sidoo kale Gudooyimaha Barlamaanka KGS Mr Fiqi oo usoo tahniyadeeyey bulshaweynta deegaanadooda iyagoo ku hadlaaya Luqada Maxateriga halka Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif oo ku hadlaaya Luqada Maayga waxaa in la isweydiiyo mudan Luqada asalka kuu ah ku hadalkeeda waa tan dhiiro gelisa bulshadaada iyo jeeliya waqtiga oo ku faana Afkooda Hooyo. Umad hadii la rabo in la nasakho jiritaan ahaan waxyaabaha ugu horeeya lagala dagaalo waa luqadooda, deegaankooda, amnigooda,dhaqankooda iyo dhaqaalahooda.

Bulshada hogaankeeda hadii kula macaamilo waxa asalka u ah waxay sameyneysaa micno weyn waxaase jirta Oraah Soomaaliyeed oo oraneysa (Waxaad ku faanto ayaan ka faanaa ee waxaad ka faanto ayaan ku faanaa) Yaxyax iyo amkaag iney Hambalyadii iyo Tahniyadii Madaxda KGS ay ku baxaeysey Luqada Maxaaga waxaan ku bogaadinaaya in Shekh Shariif inuu yahay siyaasi kasbanaayo qalbiyada bulshada ku hadasha Luqada Maayga waa sida looga baahan yahay siyaasiga inuu simo luqadaha looga hadlo dalka kasta luqadihiisa . Anigoo ah qoraha maqaalka waxaan idin leeyahay Ciid wanaagsan , (iid feyli ) waxaan ahay qore marwalba u dooda sinaanta luqadaha iyo xorayatul qowl oo aan ku cabiro dhinacyo badan sida suugaanta iyo maqaalo oo aan la wadaago bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qalinkii: Okasha Mohamed

ukash37@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here