Masuul katirsan dowlada Federaalka oo Kismaayo u tagay Caleemo Saarka Axmed Madoobe

0
133

Waxaa galinkii dambe ee maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaray Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Bukhaari iyo Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka.

Madax katirsan maamulka Jubbaland iyo Xildhibaano katirsan labada aqal oo horey Kismaayo u joogay ayaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Xildhibaanada uu hogaaminayay Abshir Bukhaari.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ayaa magaalada Kismaayo u tagay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland , waxaana xusid mudan dowlada federaalka uu katirsan yahay Abshir Bukhaari ma aqoonsana Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo waxaa horey u gaaray labo kamid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Madaxwenaha maamulka Puntland , Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kuwaa oo lagu casuumay caleemo saarka Sheekh Axmed Madoobe.

Abshir Bukhaari ayaa noqonaya masuulka kaliya ee xil sare ka haya dowlada federaalka Soomaaliya ee ka qeyb gala caleemo saarka Madaxweynaha aan la aqoonsaneyn ee Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here