Mas’uuliyiinta ku sugan Galbeedka Itoobiya ee Benishangul-Gumuz oo sheegay inay laayeen koox hubeysneyd dad shacab ah..

0
40

Mas’uuliyiinta ku sugan gobolka dhaca galbeedka Itoobiya ee Benishangul-Gumuz ayaa sheegay inay laayeen koox hubeysneyd oo lala xiriiriyay weerar lagu qaaday dad rakaab ahaa oo saarnaa bas.

Ugu yaraan 34 qof ayaa Sabtidii lagu dilay weerar lagu qaaday dad rakaab ahaa oo saarnaa bas marayay degmada Dibate, waxaana weerarka fuliyay koox aan la garaneyn.

Booliska gobolka ayaa sheegay in 16 qof ee weeraka ka dambeysay ‘ay soo dirsadeen’ TPLF oo ka taliso gobolka Tigray.

Balse ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinayo in raggaas ay ka tirsanaayeen TPLF.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka TPLF ayaa ku dagaallamaya Tigray, dowladda waxay ku eedeysay maamulkaas inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay carqaladeynayaan amniga dalka balse TPLF ayaa beenisay eedeymaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here