Maxa ka dhaxeya safarka Farmaajo ee Maraykanka & qalalaasaha Kheyre ee Baydhabo

0
256

Sadaxdii maalin ee  Xasan Kheyre ku sugnaa magalaada Baydhabo ayaa waxa halkaas ka dhacay qalalaase ay ku dhinteen dad rayid ah halka dadkalana ay ku dhawacmeen, waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay shaqasiyaad magac ku leh degaanka Koonfur Galbeed.

Safarka Kheyre ayaa ku soo aaday iyada oo dadka deegaanka Koonfur Galbeed nabad haystaan laakiin ayan marnaba ilaabin xasuuqii loo gaysatay dabayaaqadii sanadkii hore. Qalalaasaha uu Xasan Kheyre ka abuuray magalada Baydhabo ayaa waxa uu xiriir toosa la leeyahay safarka Madaxweyne Farmaajo lagu wado in uu dabaqayaaqada bishan   ku tago dalka Marayakanka si uu uga qaybgalo kulanka sanad laha ah ee Qaramada Midoobay.

Xasan Kheyre oo ah shaqsi ku xisaabtama burburinta hamiga siyaasadeed ee dadka ka fakarka duwan ama kuwa ay isku hayaan siyaasada ayaa talaabooyinka uu ku kiciyay shacuurta dadka reer Baydhabo uu uga gol lahaa sidii beesha Digil iyo Mirrifle ee ku dhaqan qurabaha ay mudaharaadyo  ugu sameeyn lahaayeen madaxweyne Farmaajo marka uu tago dalka Maraykanka.

Xasan Baqdaadi oo ka mida aqoonyahanada reer Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Southern Media in talabaada ama qalqalka uu Kheyre ka sameeyay Baydhabo ay tahay mid kuu ku doonayo in uu ku ceebaysto Madaxweyne Farmaajo.

“..wixii shalay ka dhacay Baydhabo waxa ay ahayd ku talagal qorshaysan oo uu doonayay Xasan Kheyre in uu ku kiciyo shacuurta dadka reer Baydhabo si sare loogu qaado ciilka ay shacabka reer Baydhabo u qabaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo”. ayuu yuri Xasan Baqdaadi.

Waxa uu intaas ku daray “dilkii shalay ka dhacay Baydhabo waxa uu keenay in beelweynta Digil iyo Mirrifle ee ku dhaqan Maraykanka ay dhamaantoodba u safri doonaan hoteelada uu degi doono  MW Farmaajo marka uu tago dalka Maraykanka si ay ugu mudaharadaan”.

Xasan Kheyre ayaa markala ku guulaysaty in uu Madaxweyne Farmaajo galiyo colaad iyo nacayb beeleed isaga oo ujeedadiisu tahay in uu muujiyo in Madaxweyne Farmaajo yahay shaqsi neceb dadka Digil iyo Mirrifle. Dad badan ayaa is weydiinaya in MW Farmaajo uu si dhab ah uga warhayo dagaalka siyaasadeed  ee qorshaysan ee ku socda isaga iyo saaxiibadiisaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here