Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

0
52

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa inay maanta oo Isniin ah Xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa ku yeeshaan kulankooda caadiga ah oo ay uga hadli donaan Ajadanyaal dhowr ah.

Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in uu jiro kulan weynaha Golaha, isla markaana Xildhibaannada laga doonayo inay soo xaadiraan waqtigana ilaaliyaan.

Ajandayasha Kulanka Maanta ee golaha Shacabka looga hadlayo ayaa waxaa ay kala yihiin, Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Diiwaangelinta iyo bixinta Aqoonsiyadda & Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ku guda jiray kulamadoodii ugu dambeeyay ayaa waxaa horyaalla sharciyo dhowr ah oo laga sugayo inay meel mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here