Maxaa sababay in isgaarsiinta Baydhabo ay hawada ka maqnaato in ka badan lix saacadood?

0
172

Baydhabo-SMC-Waxaa gabi ahaanba maanta hawada ka maqan isgaarsiinta magaalada Baydhabo xarunta gobolka Bay, taas oo sababtay in dadka reer Baydhabo ay saamayn weyn ku yeelatay oo dhanka nolosha ah.

Isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray abaaro 5-tii aroornimo ee saakay, waxaana la sheegay in sababtu ay tahay ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo wajahan magaalada.

Ciidamadaas ayaa ka soo baxaya magaalada Buur-hakaba ee isla gobolka Bay, waxaana xusid mudan in ciidamadaas markii ay tagayeen Buur-hakaba oo ay baxeen Baydhabo dhex lagu qarxiyay.

Iyadoo taas laga duulaayo ayaa saakay aroortii hore hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada, taas oo saameyn weyn ku yeelatay guud ahaan dadka ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Guud ahaan qeybaha ganacsiga magaalada ayaa laga dareemay xayiraada lagu sameeyay is gaarsiinta magaalada, waxayna dadku is tic maali waayeen adeega EVC-ga oo intooda badan sahay u ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here